Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaalinta ciyaaraha ee hablaha soomaaliyeed ee reer Sweden

La daabacay måndag 21 mars 2016 kl 14.41
Ciyaaraha iyo hablaha soomaaliyeed
(9:50 min)
Ubax Barkhad oo ku dhaqan nawaaxiga Järva. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR.
1 av 2
Ubax Barkhad oo ku dhaqan nawaaxiga Järva. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR. sawir: Foto: Kenadid Mohamed/SR
Hablo sagaal jirro ah ee kooxda kubbadda kolleyga Shanta IF. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
2 av 2
Hablo sagaal jirro ah ee kooxda kubbadda kolleyga Shanta IF. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR. sawir: Foto: Kenadid Mohamed/SR

Ayaan Maxamed waa 23 jir ku dhalatay magaalada Stockholm, kana mid ah ardeyda kjaamicadaha Sweden, isla-markaana aad u xiiseeysa ciyaarta kubbadda kolleyga, tababarena u ah hablaha soomaaliyeed ee da’doodu u dhexeeyso 13-14 ee ku dhaqan nawaaxiga Järva.

Ayaan Maxamed oo aannu kula kullaney goob uu tartanka kubbadda koleyga uga socday hablaha da’doodu tahay 9-jirka oo ay qayb ka ahaayeen koox hablo soomaaliyeed ayay noo suurtagashay inaannu Ayaan wax ka weydiinno xiisaha kubbada kolleyga iyo sababaha ku kallifey iney tababare ka noqoto ururka ciyaaraha ee Shanta IF, ururkaasina oo la aasaasey sannadkii 1998:

Ubax Barkhad waxay ka mid ahayd waalidkii garoonka ku sugnaa oo ay gabadheedu qayb ka ahyd tartankii ciyaaraha kubbadda koleyga ee sabtidii ina dhaaftay ka dhacayay xaafadda Kista:

Wareeysiga markaan la yeelaney Ubax Barkhad ayuu isu keey qaban waayay sawirkii iiga muuqday labiska ay xirnayd oo ahaa labiska haweenka soomaaliyeed waayadan dambe ay caadeeysteen, ahna khamaarka dheer ee oogada oo dhan wada dada iyo kolka ay hooyooyinku kubbadda koleyga ciyaarayaan, waana sawir aan horay ii soo marin oo aanan qiyaasi karin. Haddaba waxaan hooyo Ubax Barkhad waydiiynney, bal inay sawir nagga siiso labiska ay garoonka ku galaan:

Aan dib ugu noqonno tababare Ayaan Maxamed iyo iney hablaha qudhoodu u baahan yihiin sidii looga qeyb gelin lahaa ciyaaraha iyo howlaha ilmuhu qabtaan xilliyada fasaxyada ey yihiin:

Ayan Maxamed oo 23-jir ah, ahna tababare ka tir-san ururka Shanta IF ayay ahayd oo aannu galab-nimadii sabtidii wareeysi kula yeelaney garoon ku yaala xaafadda Kista oo uu ka socday tartan ciyaarta kubbadda koleyga oo ay qayb ka ahaayeen koox hablo sagaal jirro ah ee asalkoodu soomaali yahay.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".