En kvinna bär på flera plastkassar.
Haweeney bacooyin alaabo ku wadata. sawir: Sawirkii : JANERIK HENRIKSSON / TT

Dawladda oo loo soo jeediyey in qiimaha bacaha ay gaarsiiso ilaa iyo shan karoon middiiba

Bacaha balaastiiga ah oo la soo jeediyey in qiimahooda la laba jibaaro
0:55 min

Si loo yareeyo isticmaalka bacaha balaastiiga ah ayey hey’adda dalkaan deegaanka u qaabilsani

waxay soo jeedisey in qiimaha bacahaas kor loo qaado lana gaarsiiyo ilaa iyo shan karoon middiiba.

Qorshaha ururka midowga Yurub ee ku wajahan bacahaas balaastiiga ah ayaa ah in Yurub ay boqolkiiba konton isticmaalka bacahaas dhinto sanadku marka uu yahay 2025.

Warbixin ay hey’adda dalkaan deegaanka u qaabilsani ay maanta u gudbisey dawladda ayaa xanbaarsan in qiimaha bacahaas la laba jibaaro kuwaas oo maanta 2 karoon ka jooga dukaamada alaabooyinka gada.

Talooyinkaan la soo jeediyey ayaa khuseeya dhammaan noocyada bacooyinka oo dhan sida kuwa waaweyn ee raashinka looga qaato dukaamada cuntada gada iyo kuwa lacag la’aanta ah oo tusaale ahaan dharka looga qaato dukaamada dharka gada.

Fikirkaan lagu taliyey in qiimaha bacooyinka kor loo qaado ayaa waxaan ku jirin oo laga reebey bacaha duuban ee dukaamada lagu gado badanaana loo isticmaalo in qashinka lagu fogeeyo.

Xogta / Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".