Skadade utanför tunnelbana i Bryssel.
1 av 2
Skadade utanför tunnelbana i Bryssel. sawir: AP Photo/TT
Folk tröstar varandra i Bryssel.
2 av 2
Folk tröstar varandra i Bryssel. sawir: Geert Vanden Wijngaert/TT

Dhowr qof oo ku dhintay qaraxii madaarka Brussel

"Waa fal argagaxiso"
1:05 min

Dhowr saacadood ayaa ka soo wareegtay qaraxii ka dhacay madarka Brussel ee Belgium. Dhacdadan ka dib ayaa isla magaaladan lugu qarxiyey mid ka mid ah tareemada dhulka hoostiisa mara. Dhowr qof ayaa labadan meelood ku dhintay.

Warbixinta ugu dambeeysa ayaa ah in ay tiro gaadhsiisan dhowr iyo soddon qof ku dhinten qaraxan, sidaas ayaa laga sheegay qalabka warbaahinta ee waddankan.

Dadka dhimanaya iyo kuwa ku dhaawacmaya ayaa marba marka ka dambeeysa wey sii siyaadayaan.

Islamarkaas ayaa dhacdadan ka dib qarax laga maqlay tareenka dhulka hoostiisa mara ee magaalada Brussel, halkaas oo ay dhowr qofi ku dhinteen.

Waddanka Belgium ayaa kor u qaaday heerka diktoonaanta, 4 oo ah ka ugu sareeya. Islamarkaas ayuu dhacdadan cinwaan uga dhigay fal argagaxiso.

Ra´iisal wasaaraha Iswiidhan Stefan Löfven, ayaa qoraal uu u soo diray l´aanta Ekot sheegay in u dhacdadan ku magacaabay fal argagaxiso.

Wuxuu tacsi u diray dalka iyo dadka Belgium.

Wasiirka arrimaha gudaha Iswiidhan Anders Ygeman ayaa isaguna ka xun dhacdadan. 

- Dadkani waa argagaxiin, amaankeeni ayey dhaawac u geysteen, ayuu jidhi.

Hogaamiyaha xisbiga moderaterna, Anna Kinberg Batra, ayaa aalada bogga twitter ku qortay in ay ka xuntay dhacdadan, khaasatan dadyoowga ay saameysay, waa in aanu ka hor tagno argagaxisnimada, ayey qortay.

Kooxda argagaxisada Daacesh ayaa dhowaan qiratay in ay dhadooyinkan ka dambeeyeen.

Isha: Ekot/Reuters




Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".