Sawirkii : Gunnar Britse
Sawirkii : Gunnar Britse

Maadooyin sun mamnuuca ah oo laga dhexheley raashinka dalkaan Iswiidhan lagu dhexgado

Maadooyin sun ah oo laga dhexheley raashinka Iswiidhan lagu gado
1:09 min

Maadooyin sun ah sida daawooyinka cayayaanka lagu buufiyo oo addunka oo dhan mamnuuc ka ah ayaa ku dhexjira raashinka dalkaan Iswiidhan lagu gado,

maadooyinkaas khatarta ah ayaa xataa waxay mamnuuc ka yihiin dhammaan qaaradda Yurub.

Qaar ka mid ah suntaas ayaa hormoonada dhaawac u geysta waana kuwa khatar ah xataa haddii wax yar oo ka mid ahi ay qofka jirkiisa galaan.

22 maado oo sun ah ayaa laga dhexheley ama ku jira raashinka dalkaan Iswiidhan lagu gado.

Peter Bergkvist waa la taliyaha xagga istaraatiijiyadda u qaabilsan hey’adda koontaroolka ama baaritaanada ku sameysa maadooyinka kiimikada ah:

-Waxaa hadda ii muuqda in maadooyinkaani khatar yihiin, hormoonada dadkana dhibaato u geysan karaan, dalalka yurubna toban sano ka hor laga mamnuucey ayuu yiri Peter Bergkvist.

Tijaabooyin ay hey’adda cuntada dalkaan Iswiidhan sameysey ayaa muujinaya in maadooyinkaas hormoonada khatarta u ah laga dhex heley raashinka caadiga ah ee aan cuno sida tusaale ahaan Tufaaxa ,liinta, bariiska, canabka, sabiibka,basbaaska dhuudhuuban iyo kuwa kale.

 



 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".