Takhtar
sawir: Sawirkii : Claudio Bresciani/TT

Takhtar bug ah oo dhowr sano xirfaddaas ku shaqeysanayey

Takhtar bug ah oo la kashifey
1:02 min

Takhtar bug ah oo aan cilmiga takhtarnimada sharci iyo shahaado midna u heysan ayaa muddo saddex sanadood ah wuxuu dad gaaraya ilaa iyo 1000 qof

oo bukaan ah ku daaweeyey degmooyinka Lund, Landskrona iyo Svalöv.

Xataa markii ninkaas takhtar beenaalaha ah la kashifey looma gudbin booliiska wax dacwo ah oo ninkaas ku saabsan, taas badalkeedana wuxuu raadsanayey ama dalbanayey shaqooyin takhtarnimo, sida lagu cadeeyey baaritaan uu sameeyey barnaamij ka baxa talefishinka dalkaan Iswiidhan.

Ninkaan ayaa markii uu shaqada ka bilaabayey isbitaalka Landskrona wuxuu sheegey in uu takhtarnimo isla sanadkaas uga soo baxay jaamacadda Lund laakiin marna ma soo bandhigin wax shahaado ah oo uu halkaas ka qaatey sidaas oo ay tahayna afar jeer ayaa gobolka Skåne shaqooyinkaas takhtarnimada loogu cusbooneysiiyey.

Ninkaas ayaa hadda wuxuu takhtar ahaan ugu shaqeeyaa dugsiga hoose/dhexe ee Skåne.

Ninkaas ayaa ka hor intii uusan shaqadaas helin wuxuu dalbadey shaqooyin takhtarnimo oo dhowr ah laakiin kuwii shaqooyinkaas bixinayey ayaa ogaadey in ninkaasi yahay takhtar bug ah laakiin sidaas oo ay tahayna wax dacwo ah oo ninkaas ku saabsan uma gudbin ciidamada booliiska.

Xogta / SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".