Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliis badan oo dalkaan Iswiidhan shaqooyinka isaga taga

La daabacay tisdag 22 mars 2016 kl 14.00
Booliis badan oo shaqooyinka isaga taga
(0:50 min)
Booliis mooto wata.
Booliis mooto wata. sawir: Bertil Ericson / TT

Booliis badan oo aan mushaarada ay qaataan ku faraxsaneyn iyo waliba shaqada ay qabtaan oo ku cuslaatey ayey shaqada booliiska isaga tagaan.

2015-kii waxaa ciidanka booliiska isaga tagey 832 askari meesha sanadkii kaas ka sii horeeyey ay 678 askari shaqooyinka booliiska isaga tageen.

Sidaas oo ay tahayna waxaa aad u yar dadka booliiska ah ee dalkaani sanad walba tababaro taas oo sii siyaadineysa baahida booliiska loo qabo.

Badanaa booliiskaas shaqada ka tagey ayaa u badnaa kuwa fil ahaan buuxiyey 60 jir laakiin waxa cusubi waa iyadoo ay shaqooyinkaas booliiska hadda ka tagayaan askar da’doodu 40 jir ka yar tahay.

Lena Nitz oo ah gudoomiyaha ururka booliiska dalkaan ayaa sheegtey in ay muhiim tahay in la qiimeeyo shaqada booliisku hayo ,waxayna tilmaantey mushaarka iyo sida uu muhiimka u yahay.

Xogta / SVT, DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".