Wasiiradda arrimaha dibadda Margot Wallström .Sawirkii : TT
Wasiiradda arrimaha dibadda Margot Wallström .Sawirkii : Jonas Ekströmer/TT

Dad Iswiidhish ah oo wali la la’ yahay ka dib falkii argagixisanimo ee ka dhacey magaalada Bryssel

Iswiidhish ku dhaawacmey falkii Bryssel ka dhacey iyo qaar la la' yahay
1:19 min

Laba qof oo iswiidhish ah ayaa ilaa iyo hadda la la’ yahay meesha saddex kalana ay ku dhaawacmeen

falalkii argagixisanimo oo maalintii daraad ka dhacey magaalada Bryssel ee caasumadda dalka Belgium.Laba qof oo kale oo ka mid ahaa dadka Iswiidhishka ah ee la la'aa ayaa  imminka iyagoo badqaba la heley.

Saddexda qof ee iswiidhishka ah oo ku dhaawacmey dhacdadaas ayaa waxaa ka mid ah haweeney ka shaqeysa xarunta ururka midowga yurub taas oo dhaawaceedu yahay mid culus.

Veronica Nordlund oo ka saxaafadda u qaabilsan Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan ayaa sheegtey in ay jiraan afar qof oo ay ehelkoodu wali la’ yihiin, xiriirka telefoonaduna ma fiicneyn dhacdadaas argagixisnimo ka dib, xiriir joogta ah ayeyna wasaaraddu ay la leedahay ehelada dadkaas Iswiidhishka ah ee wali la la’ yahay, ayey tiri Veronica Nordlund.

Saddexda qof ee Iswiidhishka ah oo iyagu falkaas ku dhaawacmey ayaa laba ka mid ah wali isbitaalada lagu daaweynayaa.

Haweeneyda Iswiidhishka ah ee dhaawaca culusi soo gaarey ayaa xarunta tareenada ee Maelbeek ku sugneyd markii qofku isku qarxiyey.

Da’deedu waa ilaa iyo 40 jir waxayna ka shaqeysaa xarunta ururka midowga Yurub sida ay sheegtey qof haweeneydaas qaraabo la ah.

Qiyaastii ilaa 6 000 oo qof oo Iswiidhish ah ayaa ku nool dalka Beljim sidoo kalana waxaa dalkaas ka hawlgala shirkado ganacsi oo laga leeyahay dalkaan Iswiidhan.

Waxaa la joojiyey dhammaan duulimaadyadii diyaaradeed ee u kala gooshi jirey magaalada Bryssel iyo dalkaan Iswiidhan.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".