Konjunkturinstitutets novemberrapport pekar mot fortsatt stark ekonomisk utveckling.  Foto: Annika Selin Ekot SR
Sawirkii : Annika Selin Ekot SR

Dhaqalaha Iswiidhan oo si fiican u kobcaya

Koboca dhaqaale ee Iswiidhan
0:55 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa koboca dhaqaalihiisu kor u sii kacayaa waxaana ugu wacan

siyaasadda dhaqaale ee ay dawladdu ku talaabsatey iyo waliba bangiga dhexe oo isna siyaasaddiisa dhanka lacagaha xoojiyey, sidaasna waxaa lagu sheegey warbixin cusub oo uu soo bandhigey machadka odorosa koboca dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano KI.

Koboca dhaqaale ee dalkaan ayaa la filayaa in uu sanadkaan noqdo 3,5 boqolkiiba meesha sanadka 2017-ka la filayo in uu noqdo 2,3 boqolkiiba.

Waxaa kaloo la filayaa in ay kor u kacaan dadka dalkaan shaqooyinka ka heli doona kuwaas oo ay sanandkaan iyo kan soo socda ku siyaadi doonaan ilaa iyo 140 000 oo qof.

Shaqa la’aanta ayaa la filayaa in ay sanadkaan noqoto 6,7 boqolkiiba balse sanadka 2018-ka hoos ugu dhici doonto 6,2 boqolkiiba.

Sicirbararka ayaa hooseyn doona waxaana la filayaa in sanadka 2018-ka uu noqdo boqolkiiba labo.

Xogta : TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".