Maxkamadda Yurub. Sawirkii : John Thys/AFP
Maxkamadda Yurub. Sawirkii : John Thys/AFP

Maxkamadda Yurub oo ridey xukun dalkaan Iswiidhan ka dhan ah

Maxkamadda yurub oo ridey xukun Iswiidhan ka dhan ah
0:38 min

Iswiidhan ayaa wajigabax kala kulantey markii maxkamadda Yurub ay go’aamisey in uu qalad ahaa

go’aan ay Iswiidhan ku masaafurisey nin iraani ah oo diinta islaamka ka baxey galeyna diinta kiristaanka .

Maxkamadda ayaa dhanka kale waxay Iswiidhan ku xukuntey in ninkaas ay siiso magdhow gaaraya 310 000 oo karoon.

Dadka diinta islaamka ka baxa oo diin kale qaata ayaa dalka Iiraan wuxuu ku fuliyaa xukun dil ah.

Maxkamadda Yurub ayaa sheegtey in masaafurinta ninkaas ay Iswiidhan ku jabisey sharciga Yurub ee la xiriira xuquuqda bani aadamka qodobkiisa ah in ”qofku xaq u leeyahay in uu noolaado” iyo sidoo kale sharciga mamnuucaya in qof bani aadam ah la bahdilo.

Xogta : TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".