Säpo delar med sig av ny information till polisen om hemvändande stridande i terrororganisationer. Foto: Maja Suslin/TT
Ciidamada sirdoona Iswiidhan. Sawirka : Maja Suslin/TT sawir: Maja Suslin/TT

Muslimiin loo diidey goob Göteborg ku taala oo ay shir ku qabsan lahaayeen

Goob loo diidey in muslimiintu shir ku qabsadaan
1:23 min

Degmada Göteborg ayaa diidey shir weyn oo ay muslimiintu ku qabsan lahaayeen dhamaadka bishaan

maarso goob cayaaraha loogu talagaley oo ay degmada Göteborg leedahay. Sababta shirkaas loo hor istaagey ayaa ah in dad ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirkaas lagu tuhmey xagjirnimo.

Ururka muslimiinta Iswiidhan ee midoobey ayaa muddo shan sano ah wuxuu qabanayey shir loogu magacdarey ”Waxaan ahey muslim Göteborg ku nool” kaas oo ujeedadada laga leeyahay ay aheyd sidii kalsoonida dhallinyarada muslimiinta ah ee Iswiidhan ku nool loo xoojin lahaa.Usbuuc ka hor intii uusan shirkaasi qabsoomin ayaa ururkii shirkaas qabanqaabinayey waxaa lagu wargaliyey in aysan shirkaas ku qabsan karin goobtaas degmadu leedahay.  

Maamulka degmada Göteborg ayaa laga soo xigtey in ka dib markii xiriir ay la sameeyeen booliiska iyo ciidamada sirdoonka lagu ogaadey in qaar ka mid ah dadka shirkaas qabanqaabinaya yihiin kuwo lagu tuhunsan yahay danbiyo xagjirnimo raad la leh.

Stefan Lindvall oo ah madaxa ciidamada sirdoonka Göteborg ayaa ka gaabsadey in uu ka faaloodo waxa uu yahay tuhunka dadkaas laga qabo, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya :

-Ma rabo in aan ka hadlo faahfaahinta arrinkaan, balse waxaanu maaamulka magaalada Göteborg isku afgaraney in aan goobtaas laga ijaarin ururkaas, shirkaasna aan halkaas lagu qaban dhammaadka bishaan.

Xogta : P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".