Pensionsmyndigheten på Klara Västra Kyrkogata i Stockholm.
sawir: Sawirkii : Christine Olsson / TT

Dumarka dalkaan oo ku dulman lacagah hawlgabka shaqada lagu qaato

Dumarka oo ku dulman nidaamka hawlgabka shaqada
1:19 min

Ragga ayaa qaata laba jibaar in ka badan inta dumarku ku qaataan lacagaha hawlgabka shaqada

lagu qaato,sida lagu caddeeyey warbixin siyaasiyiin dawladda ka tirsan iyo kuwa mucaaradka ahba gacanta loo galiyey.

Warbixintaan ayaa muujineysa in haweenku ku dulman yihiin lacago badan oo hawlgabka lagu qaatana ay waayaan.

Wasiiradda caymiska bulshada Annika Strandhäll oo arrinkaas ka hadleysa ayaa waxay tiri:

-Aad iyo aad ayuu farqi ugu dhexeeyaa, waxayna warbixintaani aheyd mid indhaha ii furtey , waxaan qabaan in arrinkaani dhib yahay , ayey tiri Annika Strandhäll.

Ragga ayaa lacagaha hawlgabka caadiga ah lagu qaato ka badsada haweenka sababtuna waa dumarka oo mushaaro yar qaata, badanaana shaqeeya waqtiyada qaar kuwaas oo guriga in ay joogan u badan marka caruurahoodu ay yar yar yihiin.

Lars-Arne Staxäng oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Moodaraad-ka ayaa canbaareeyey nidaamkaan hawlgabka shaqada:

-Aad iyo aad ayaan ula yaabey markaan warbixintaan arkey ,raadka uu ka tagayaana waa mid aad u weyn ,waana in miiska la soo fariistaa si arrinkaan looga wada hadlo, ayuu yir Lars-Arne Staxäng.

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".