YK:n pääsihteeri Ban Ki-Moon puhuu mikrofoniin.  Kuva: Thibault Camus, Pool / TT / AP Photo
Ban Ki-Moon. Sawirkii : Thibault Camus, Pool / TT / AP Photo

Xoghayaha qaramada midoobey Ban Ki-Moon oo booqasho ku imaanaya dalkaan Iswiidhan

Xoghayaha guud ee qaramad midoobey Ban Ki-Moon ayaa usbuuca soo socda imaan doona dalkaan Iswiidhan.

Bisha maarso 30-keeda ayuu la kulmi doonaa ray’sal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven, kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin Suuriya, Qaxootiga iwm, sidaasna waxaa lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka dalkaan Iswiidhan looga taliyo.

Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale u imaanaya in uu ka qeybgalo xus loo sameynayo xoghayihii hore ee qaramada midoobey Dag Hammarskjöld kaas oo ay si wadajir u soo qabanqaabiyeen jaamacadda Uppsala iyo hey’adda Dag Hammarskjöld.

Dag Hammarskjöld ayaa sanooyinkii 1953-1961ahaa xoghayaha qaramada midoobey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".