Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Ibrahim Bouraleh från Islamiska Förbundet i Järva och Islamiska Kultur Center i Rinkeby. Foto: Helen Ling /Sveriges Radio.
1 av 2
Talesperson Ibrahim Bouraleh. Foto: Helen Ling /Sveriges Radio.
Biträdande Säpochef Johan Sjöö. Foto: Rebecka Haglund/ SVT
2 av 2
Ku xigeenka madaxa Johan Sjöö. Sawirkii : Rebecka Haglund/ SVT

Säpo oo rajo ka qaba hirgalinta sharciga cusub ee argagixisada

Waalidka soomaalidu hurddadii wey ka kaceen
10 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa adkeynaya sharciyada argagisada la xiriira taas oo sharci daro ka dhigeysa in qofku u dhoofo

ama barto waxbarasho ujeedadeedu tahay in uu argagixiso uga qeyb galo.

Ciidamada sirdoonka dalkaan Iswiidhan ayaa sheegey in sharcigaan cusubi uu horseedayo in laga hor istaago dadka raba in ay safraan si ay ugu biiraan ururada loo aqoonsadey in ay argagiso yihiin.

Johan Sjöö oo ah ku xigeenka madaxa ciidamada sirdoonka dalkaan Iswiidhan ayaa sheegey in sharcigaan cusubi hey’adda sirdoonka dalkaan u suuragalinayo in ay hor istaagto safarada noocaas ah:

-Waxaan safarada ka hor istaagi doonaa dadka markii hore tuhunku nooga jirey kuwaas oo aan qabaneyno inta aysan safaradas galin. Waqtigaan ka hor arrinkaasi suuragal nooma aheyn oo dadkaas waxaan la yeelan jirney wareysi oo kaliya , ayuu yiri Johan Sjöö.

Ciidamada sirdoonka ayaa laga soo xigtey in qiyaastii dad gaaraya 300 oo qof ay sanadkii la soo dhaafey aadeen ururo Alqaacida raad la leh kuwaas oo badankoodu aadey dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Si qofka loogu soo oogo danbiyo iyadoo la adeegsanayo sharcigaan cusub waa in la cadeeyaa in qofka safrayaa u socdo urur argagixiso raad ku leh ama uu u socdo tababaro arrimahaas xiriir la leh.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".