Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Bostadshus i Uppsala.
Guryo ka mid ah kuwa ijaarka loogu jiro. Sawirkii : Martin Hult / Sveriges Radio

Ijaarka guryaha ayaa sanadkaan la filayaa in ay wax yar kor u kacaan

Ijaarka guryaha ee sanadkaan
1:01 min

Ijaarada guryaha ayaa sanadkaan wax aad iyo aad u yar kor loo qaadey

taas oo farxadgalineysa dadka guryahaas ijaarka ugu jira.Sida laga soo xigtey ururka ay ku midoobeen dadka guryaha leh ayaa sheegaya in sanooyinkii la soo dhaafey aysan marna dhicin sida sanadkaan dhacdey oo ah in ay aad u yaraato qiimaha ijaarada sanad walba lagu kordhiyo. Gudoomiyaha ururka dadka guryaha leh Reinhold Lennebo ayaa sheegey in sanadkaan ijaarada guryaha lagu kordhinayo oo kaliya 0,7 ilaa iyo 0,8 boqolkiiba.

Sanadkii hore ayaa ijaarada waxaa lagu kordhiyey 1 ilaa 2 boqolkiiba.

-Waxaan aaminsanahay in sanadkii la soo dhaafey ahaa  mid u wanaagsanaa dadka guryaha leh sidaas daraadeedna ay aqbaleen ijaaro hoose oo sanadkaan guryahooda loogu jiro, ayuu yiri Reinhold Lennebo.

Dalkaan ayaa waxaa ku yaala 1,4 milyan oo ah guryo ijaaro loogu jiro .

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".