Dan Eliasson. Foto: Janerik Henriksson / TT
Foto: Janerik Henriksson / TT

Booliska oo aan haysan shaqaale ku filan

Dan Eliasson: "Waa in booliska lacag dheerad ah la siiyo"
1:17 min

In boolisku haysan shaqaale ku filan ayaa ah arrin u baahan in si degdeg ah loo xalliyo. Sidaas waxaa sheegay Dan Eliasson, talliyaha ciidanka amaanka ee Iswiidhan.

Tan ayaa keentay in u Eliasson degmooyinka waddanka ku khasbay in ay dad cusub ka shaqaaleeysiyan, iyada oo aaney jirin lacag dadkan la siiyo.

-Waxaan rajeeynaya in ay barlamaanku fahman khatarta iman karta haddi xaaladan wax laga sameeyn, sidaas daraadeed na lacag dheerad ah na siiyaan, ayuu sheegay.

Wuxuu raaciyay:

-Waxaa loo baahan yahay in 700 oo qof laga shaqaaleeysiiyo. Kuwan ayaa looga baahan yahay in ay xuduudka waddanka ilaaliyaan, madama u sharciga cusub ee socdaalka sidaas sheegayo.

Qaxootiga faraha badan iyo falalka argagaxisada yurub ka dhacay ayaa keenay in boolisku hadda u baahan yahay in u dad dheerad ah ka shaqaaleeysiiyo.

Lacag gaadhaysa 4 bilyan ayuu boolisku u baahan yahay saddexda sanno ee fooda nugu soo haya si ay amaanka u ilaaliyaan.


Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".