Kvinna
Afhayeenka dhinaca dhaqaalaha Vänsterparti-ga Ulla Andersson. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Bangiyada dalkaan oo la rabo in canshuuraha lagu siyaadinayo

0:59 min

Bangiyada dalkaan ayaa la rabaa in canshuurta ay bixiyaan lagu siyaadiyo,

waxaana qorshahaas wata dawladda iyo xisbiga garabka bidix ee Vänster-ka.

Ulla Andersson oo ah afhayeenka dhinaca dhaqaalaha xisbiga Vänster-ka ayaa sheegtey laba sababood oo muhiim ah ee ay rabaan in ay bangiyada canshuurta ugu siyaadiyaan :

-Ujeedada koowaad waa in ay maalgalin u helno hey’adaha daryeelka iyo nabadgalyada ee naga wada dhexeeya ,tan labaadna waa shirkadaha maaliyadda oo canshuuraha ay bixiyaan ay yar yihiin, ayey tiri Ulla Andersson.

Laga bilaabo sanadka 2017-ka ayaa la rabaa in bangiyada iyo shirkadaha ka shaqysta caymiska dhaawacyadu ay bixiyaan canshuura dheeraad ah.

Qorshahaan ayaa la rabaa in uu ka mid noqdo miisaaniyadda la soo bandhigi doono deyrta soo socota, waxaana fikirkaas ku mideysan xisbiyada dawladda hogaamiya kuwaas oo kala ah xisbiga Sooshaal-ka, xisbiga Miljöparti-ga iyo xisbiga Vänster-ka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista