Xabsi daa'in lagu ridey laba nin oo 30 jirro ah

Maxkamadda racfaanka ayaa mar kale xabsi daa'in ah ku xukuntay laban in oo lagu tuhunsanaa iney ka dambeeyeen dil laba ruux loogu geeystey dalka Suuriya oo la gowracey sannadkii 2013.

Sannadkii tagay aakhirkiisii ayay ahayd kolkii ay maxkamadda degmada Göteborg ku xukuntay labada nin oo 30-jirrada ah xabsi daa'in kolkii lagu soo oogey dacwad argagixiso oo ka dhan ah iney ka geeysteen dalka Suuriya. Iyadoona uu xeer-ilaaliyuhu ku soo oogay iney labada nin ugu socdaaleen Suuriya sidii ey qayb uga qaadan lahaayeen dagaallada carrigaa ka socda.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista