Turkiska premiärministern skakar hand med EU:s ordförande Donald Tusk och Europeiska kommissionens ordförande Jean-Claude Juncker.
Raysal wasaaraha Turkiga iyo madaxda sare ee EU. sawir: Virginia Mayo/AP

Heshiiskii Yurub iyo Turkiga oo maanta dhaqangalaya

0:33 min

Maanta ayaa waxaa dhaqan galaya heshiiskii ay horey u wada gaareen dalalka

dalalka xubnaha ka ah ururka midowga Yurub iyo dalka Turkiga kaas oo la xiriirey in qaxootiga jooga dalka Giriiga dib loogu  celiyo dalka Turkiga.

Subaxnimadii saaka ayaa la bilaabey in qaxooti ugu horeeyey oo badankooda ka soo jeeda dalka Pakistan in laga daabulo dalka Giriiga lana geeyo dalka Turkiga.

Hey’adaha u dooda xuquuqda bani’aadanka ayaa canbaareeyey heshiiskaas ay wadamada yurub laga galeen dalka Turkiga.

Qaxooti gaaraya ilaa iyo 6 000 oo qof oo ku sugan jasiiradaha Giriiga ayaa iyana sugaya go’aanka iyo waxa laga yeelayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista