.
Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf.Sawirkii : TT

C oo raba in soo-galootiga lacagaha la siiyo qaarkeed deyn looga dhigo

0:46 min

Xigbiga Center-ka ayaa soo jeediyey in lacagaha cayrta ah ee la siiyo dadka soogalooti-ga ah ee cusub 

loo qeybsho laba qeybood oo kala ah qeyb deyn ah iyo qeyb deeq ah oo aan qofkaas laga rabin in uu mustaqbalka soo gudo.Xisbigaan ayaa soo jeediyey in labada sano ee hore qofka qaxootiga ah la siiyo lacag 28 boqolkiiba deeq ah, 72 boqolkiibana ah deyn.

Xisbiga ayaa intaas ku darey in la raaco isla qaabka ay raacdo hey’adda CSN oo dalkaan Iswiidhan u qaabilsan in ay lacagaha deymiso ardeyda dalkaan ee rabta in ay galaan waxbarashada heerka jaamici.

Annie Lööf  waa hogaamiyaha xisbiga Center-ka:

-Kharashka ku baxa dadka soogalootigu waa mid aad u farabadan mana xamili karno ee waa in aan sameynaa wax kasta oo aan kharashkaas ku dhimi karno,ayey tiri Annie Lööf .

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista