Ajaaniib dalka ku cusub oo dhallaan wata iyo wasiirka ceeymiska Annika Strandhäll.  Sawirle: Anders Wiklund/TT, Marcus Ericsson/TT.
SAjaaniib dalka ku cusub oo dhallaan wata iyo wasiirka ceeymiska Annika Strandhäll. Sawirle: Anders Wiklund/TT, Marcus Ericsson/TT. sawir: Anders Wiklund/TT, Marcus Ericsson/TT.

Wasiirrada ceeymiska oo baaritaan saartay

1:33 min

Heshiiskii ey wada gaareen lixda xisbi eegarabyada siyaasadda midig iyo bidix ee arrimmaha socdaalka iyo in la xadidodhaqaalaha dhallaanka dalka ku cusub la siiyo, halka ay wasiiradda ceeymiskuAnnika Strandhäll sheegtay inay doonayso ka dhur sug baaritaan middaa lagusameeyo inta aan lagu tallaab-san. 

– Illaa iyo intabaaritaanka arrimmahan la soo ban-dhigeyo ma jiraan wax laga sheegi karo. Muxuusoo kordhin, sidee loo hir-gelin. Bulshadu ma yeelan kartaa nidaamyo kaladuwan. Muxuu saameeyn ah uu yeelan karaa, sida ay sheegtay Annika Strandhäll,ahna wasiirka ceeymiska qaranka mar ay ka hadleeysay baaritaan ay u saartayarrimmaha ceeymiska waalidka lagu siiyo dhallaanka waxa loo yaqaanno -föräldrarpenning.

Dayrtii ina dhaaftay ayey xisbiyada ku bahoobey dawladda iyo kuwa mucaaradka ee Alliansenku ey heshiis ka wada gaareen xaaladda cakirnayd ee soo-galootiga kuwasina oo ay ka mid ahaayeen in wax laga bedelo ceeymiska waalidka lagu siiyo dhallaanka si ey ajaaniibta dalka ku cusubi si ka dhakhso badan ugu geli lahaayeen suuqa shaqada.

Waana tallaabo aan ka jirin kolka ilmo ey dalka ku dhashaan iyo in ajaaniibta caruurta la yimaada lagu xaddido iney la sugaan inta dhallaanku afar sannadood ka gaaeyo.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista