Afhganska kvinnor och biståndsminister Isabella LÖvin.
Wasiiradda mucaawinada Iswiidhan Isabella Lövin oo ka hortimid EU. Sawirkii : TT. Montage: Sveriges Radio.

EU oo Afqaanistaan ku cadaadineysa qaabilaadda qaxootiga dib loogu masaafuriyo

1:21 min

Ururka midowga Yurub ayaa dalka Afqaanistaan ku handadey in uu macaawanada uu dalkaas siiyo

dhimmi doono haddii dawladda dalkaas ka talisaa aysan dib u qaadan qaxootiga dalkeeda ka soo jeeda kuwaas oo qaxooti ahaan ku soo galey dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Dukumanti sir ah oo arrinkaas ku saabsan ayaa waxaa heley waaxda wararka idaacadda Iswiidhan taas oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano Ekot.

Nabadgalyada dalka Afqaanistaan ayaa ka soo dartey, waxaana aad kor ugu kacey dadka Afqaanka ah ee magangalyo doonka u soo galey qaaradda Yurub.

Dhanka kale waxaa adkaatey in dib dalkooda loogu celiyo dalkaas Afqaanka ah ee sharciyada loo diidey.

Waaxda wararka ee Ekot ayaa ogaatey in dad ka badan 80 000 oo afqaan ah la rabo in dhawaanahaan lagu khasbo in dalkoodii dib loogu celiyo.

Dhanka kalana dalka Afqaanistaan ayaa diidey in uu aqbalo dadkaas sida khasabka ah dib loogu celinayo.

Wasiirka mucaawinada dalkaan Iswiidhan Isabella Lövin ayaa  diidey in mucaawinada wax shuruud lagu xiro,iyadoo arrinkaas ka hadleysana waxay tiri :

-Arrintaani hadda waa fikir la soo jeediyey oo kaliya sidaas daraadeed ma rabo in aan ka faaloodo, wadahadal hoose oo arrinkaas ku saabsan ayaana hadda socda laakiin annagu waxaan u aragnaa in mucaawanada si hufan loo maamulo taas oo la xiriirta baahida dalkaas mucaawinada la siinayo , ayey tiri Isabella Lövin.

 

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista