Attunda tingsrätt i Sollentuna. Foto: Maja Suslin / TT.
Attunda tingsrätt i Sollentuna. Foto: Maja Suslin / TT.

20 jir Iswiidhish ah oo isku diyaarinayay fal argagaxiso

1:45 min

Nin 20 jir ah ayaa maanta maxkamada Attunda lagu soo oogay dacwad sheegaysa in uu isku diyaarinayay fal argagaxisnimo.

Ninkan ayaa lagu tuhunsanyahay in u urursaday alaabaha laga sameeyo bamka islamarkaasna uu ku talo galay inuu dalka gudihiisa isku qarxiyo, dad kalena ku dhaawaco.

Cadeeymaha ninkan lagu hayo ayaa ah in u eheelkiisu ku markhaati furay in uu falkan isku diyaarinayay, islamarkaasna moobilkiisa laga helay warbixin xaqiijinaysa arrinkan. Sidaas waxaa sheegtay xeer ilaaliye EwaMarie Häggqvist.

20- jirka tuhunkan lugu hayo ayaa xagaagi ina soo dhaafay laba jeer lugu qabtay Turkiga, iyadoona dib loogu soo celiyey Iswiidhan, madama laga shakisnaa inuu ku socday dalka Suuriya si uu uga garab dagaalamo ururka argagaxida ee Daacesh.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista