Foto: TT
Foto: TT

Laba Iswiidhish ah oo daacish ka tirsan ayaa weerar cirkaa lagu diley

0:48 min

Laba qof oo Iswiidhish ah oo ka tirsanaa ururka argagixisada ah ee Daacish ayaa ciidamada mareykanku

waxay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah ,sidaasna waxaa lagu sheegey war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka.

Duqeyntaan ayaa ka dhacdey dalka Ciraaq taariikhdu markii ay aheyd 16-kii maarso.

Steve Warren oo ka hawlgala wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxuu sheegey:

-Weerarkaan cirka ah waxaan ku bartilmaameysaney madax sare oo ka tirsan hogaanka koodaas argagixisada ah.

Hans Brun waa khabiir ku takhasusey arrimaha argagixisada wuxuuna sheegey in hadda ka hor la diley 44 qof  oo asal ahaan ka soo jeeda dalkaan Iswiidhan kuwaas oo ku biirey ururka argagixisadaa ee Daacish, marka lagu daro labadaan qof ee hadda la diley ayey tiradaasi wadar ahaan waxay noqoneysaa ilaa iyo 46 qof, ayuu yiri Hans Brun.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista