Kristdemokraternas partiledare Ebba Busch Thor.
Hogaamiyaha xisbiga Kristdemokrateti-ga Ebba Busch Thor. sawir: Jessica Gow/ TT

Xisbiga Kristdemokrati-ga oo shir uga furmey magaalada Västrås

1:05 min

Xisbiga Kristdemokrati-ga ayaa maanta wuxuu shir uga furmey magaalada Västrås,

halkaas oo ay isugu yimaadeen 800 xubnood oo badankoodu ka tirsan maamulayaasha degmooyinka ee xisbigaas.

Hogaamiyaha xisbigaas Ebba Busch Thor oo halkaas hadal ka jeedisey ayaa sheegtey in xisbigoodu awooda saarayo dhanka daryeelka caafimaadka ,ayna rabaan in ay abuuraan shaqooyin dhankaas ku wajahan.

Ebba Busch Thor ayaa sheegtey in shaqaalahaasi ay dadka jiran ka caawin doonaan sida in ay dadka jiran cunada siiyaan ama ay ka kexeeyaan goob geeyaana meel kale, shaqooyinkaasina waa kuwo aysan hadda isbitaaladu qaban sidoo kalana shaqaalaha hawshaas qabanayaa uma baahna tababar xirfadeed oo la baro, ayey tiri Ebba Busch Thor.

Soojeedintaan ayaa ku jirtey miisaaniyadda uu xisbigaasi xilliga gu’ga soo bandhigey taas oo ku kici doonta 1,1 bilyan oo karoon, rugaha caafimaadkana ku siyaadin doonta shaqaale cusub oo dhan 6 500 oo qof, sida ay sheegtey Ebba Busch Thor.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista