Foto: TT
Foto: TT sawir: Buugga sharciyada Sweden.

Hindise sharci: galmada waa in ogaalaansho sharuud looga dhigaa

Dowladda ayaa dayrta soo sari doonta hindise sharci oo ah ogalaansho galmo, kaas oo maya haddii ruuxa yiraahdo ay markas noqoneyso kufsi.

Halka maanta kufsi ay noqoneyso haddii dembiilaha uu adeegsado hanjabaad, xoog ama uu ka faa’ideysto qof miyirkiisa joogin oo tusaale cabsan.

– Hadda waxaa ku filnaaneysa in uu qofka maya yiraahdo, taas oo micnaheeda yahay in lala qqalmoodey ogalaanshiisa la’aanteed, ayey tiri baaraha dowladda Mari Heidenborg.

Sannadkii 2014kii ayey xukumadda u wakiilatay in ay soo baarto sababta ay u yartahay dacwadaha kufsi oo xukun lagu rido, iyo in loo baahanyahay in la hirgeliyo sharci ah galmadasharuud looga dhigo ogalaansho.

Sida uu baaraha ku taliyey dembiyada sharcigan cusub looguma magacaabi doono kufsi balse waxaa loogu magacaabi doonaa xadgudub galmo, sida uu tabiyey waregyska Svenska Dagbladet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".