Stefan Löfven under dagens frågestund i riksdagen.
Stefan Löfven under dagens frågestund i riksdagen. sawir: Pontus Lundahl/TT

Löfven: "Mushkiladooyinka MP dawlada ayey saameeysay"

Ra´iisal wasaare Stefan Löfven ayaa dhowaan shir saxafadeed oo ku saabsan xisbiga miljöpartiet iyo mushkiladooyinka halkaas ka kacay, qabtay. Hogaamiyaha xisbigan oo shir saxafadeed maanta ka sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xilalkooda ka degan.

Hogaamiyaha xisbigan ayaa diyaar u ah in ay shaqada ay hayaan sii wadaan, hasayeeshe waxaa iyaga u qiimo badan wixii ay dadka xisbigan ka tirsan doonayaan. Hadii ay taageerayaan shaqadooda wey sii wadayaan, hadii ay taageero heli waayaan na waa in ay booskooda ka kacaan.

Saddex todobaad ayaa ka hadhay kongresska xisbigan, halka la tageeri doono hogaamiyaha Åsa Romson iyo Gustav Fridolin amba qaar cusub lugu bedeli doono.

Ra´iisal wassaare Stefan Löfven ayaa dhowaan shir saxafadeed ka sheegay in mushkiladooyinka xisbigan ka kacay todobaadkii ugu dambeeyay saameeysay dawladda waddanka.

-khasab, maadama ay mid ka yihiin dawladda anaga na weey na saameeynaysa, hasayeeshe waxaa muhiim ah in aanu shaqadeena dhinaca ka wadano, ayuu sheegay Löfven.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".