Kärnkraftverk
Warshad quwadda nukliyarka laga dhaliyo. sawir: Pexels

Iswiidhishka 50% oo raba in la baabi’iyo warshadaha Nukliyarka

Quwadda nukliyarka iyo dadka Iswiidhan
1:02 min

Maanta ayey 30 sano ka soo wareegtey shilkii ka dhacey warshada quwadda nukliyarka dhalisa ee Tjernobel.

Dhanka kalana baaritaan sanadle ah oo uu sameeyo machadka Som ee hoostaga jaamacadda Göteborg ayaa muujinaya in wali dadka reer Iswiidhan badankoodu ka soo horjeedaan warshadaha nukliyarka dhaliya.

Sören Holmberg oo bare sare ka ah jaamacadda Göteborg ayaa sheegey  :

  • Qiyaastii boqolkiiba 50 dadka reer Iswiidhan waxay qabaan in la baabi’iyo warshadaha laga dhaliyo quwadda nukliyarka, meesha boqolkiiba 30 ay taageersan yihiin in warshadahaas la sii isticmaalo, ayuu yiri Sören Holmberg.

Qaraxii ka dhacey warshad nukliyarka laga dhaliyo ee ku taala magaalada Fukushima ee dalka Japan sanadkii 2011 ayaa dad badan oo Iswiidhish ah badaley fikirkii ay ka qabeen warshadaha quwadda nukliyarka laga dhaliyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".