Aron Etzler, xoghayaha Vänsterpartiet. Foto: Janerik Henriksson / SCANPIX.
Aron Etzler, xoghayaha Vänsterpartiet. Foto: Janerik Henriksson / SCANPIX.

Vänsterpartiet: Raaligelin ayaan u direynaa soomaalida

Etzler: maanta ayaan raaligelinteena daabacaynaa
1:40 min

Xisbiga Vänsterpartiet oo dhawaan si rasmi ah soomaalida u raali gelin doona.

Aron Etzler xoghaya Vänsterpartiet oo la hadlayey laantan af-soomaaliga ayaa sheegay in xisbigu uu maanta bartiisa internetka ku daabaci doono raalingelin ku socota bulshada soomaalida. Raaligelintaas ayaa salka ku heysa dacaayad ka dhan ah soomaalida oo ay xil-dhibaanad xisbiga ka tirsani dhawaan ku baahisay barteeda Facebook.

- Waxaan u arkaa in ay muhiim tahay in la fahmo waxa ay baahisay in aysan waxba ka quseyn xisbiga Vänsterpartiet, aysana aheyn aragti laga aqbali karo gudaha xisbiga.

- Maanta ayaan daabacaynaa raaligelin rasmi ah, waana arki doonaa sida loo fahmo, ayuu yeri Aron Etzler oo la hadlayey laanta af-soomaaliga ee Radio Sweden.

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanada faafisay dacaayadda ka dhanka ah soomaalida ayaa iyadana xalay ku daabacday boggeeda Facebook raaligelin ay hawada u soo marisay bulshada soomaalida. Waxay tiri ” waxaan doonayaa in aan si gooni ah u raaligeliyo soomaalida qaladkeyga u dareentay sumcad dilid”.

Balse Aron Etzler ayaa sheegay in raaligelintu ay tahay bilow wanaagsan, laakiin uu malaynayo in arrintaan looga hadli doono gudaha xisbiga. Inkasta oo uu yiri halka ay sheekadaani ku denbeyn doonto waxaa ay ku xirantahay  xildhibaanad Amineh Kakakbaveh.

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".