Kongresska V: "Waa in ay dawladdu bedesho siyaasada socdaalka"
Waa in dawladda la sii cadaadiyo si ay u bedelaan siyaasada cusub ee socdaalka, islamarkaas na ururka PKK laga qaado liiska argagaxisada. Sidaas ayaa laga go´aamiyay kongresskii xisbiga Vänsterpartiet oo shalay lugu xidhay magaalada Örebro.
Ta kale ee halkaas laga go´aamiyay ayaa ah in u xisbigu sii wado wadashaqeeynta misaaniyadeed ay dawladda la gashay 2014.
-Waxaanu nahay xisbi u dagaalamaya in si degdeg ah loo bedelo siyaasada socdaalka. Waxaanu doonayna waddan caddaalad ku dhisan, ayuu hogaamiya xisbigan, Jonas Sjöstedt, ka sheegay halkaas.
Gobolada Västra Götaland iyo Skåne ayaa ku tallinaya in khasab lagaga dhigo dawladda in ay joojiyaan siyaasada cusub ee socdaalka, hadii ay taasi dhici weeydo waa in xisbiga vänsterpartiet wadashaqeeyntan xidhaan.
Badanka dadka shirkan ka soo qeeyb galay ayaa taageeraya heshiisyada kale u xisbigani la galay dawladda. Tusaalahaan in laga bilaabo kowda bishii jannayo sannadkan daawooyinku bilaash u noqdeen caruuraha, in shaqaalaha lugu soo kordhiyo gurayaha dadka waaweeyn iyo in lacagta loo kordhiyo degmooyinka iyo maamulada caafimaadka ee gobolada, halkaas oo lacag gaadhaysa 10 bilyan oo koroon lugu maalgeliyay.
Sido kale ayuu xisbigani kongresskan ku go´aamiyay in ururka kurdiga ah ee PKK laga saaro liiska EU ee argagaxisada. Go´aankan oo ayneey isku raacsaneeyn hogaanka sare ee xisbigan iyo dadka ka xubinta ah.
Vänsterpartiet ayaa sheegtay in aaney u codeeyn doonin misaaniyada ay dawladdu soo bandhigi doonto bisha juun sannadkan.