Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Farsamo cusub oo lagu yareyn karo dhaawacyada foosha

La daabacay tisdag 17 maj 2016 kl 10.29
Anatomisk modell över kvinnans underliv.
Anatomisk modell över kvinnans underliv. sawir: Pi Frisk/TT/arkiv

Farsamo cusub oo umulin oo lagu tijaabiyey daarasad ayaa lagu ogaadey in ay hoos u dhigi karto dhaawacyada gudaha ah ee haweenka ka soo gaara dhalmada.

Farsadaman ayaa ku salaysanin in si tartiib ah hooyada ku foolato oo la siiyo fursad ay ku dooran karto qaabka u ooli karto marka ay dhaleyso.

 – Markey timaado dhaawacyada kuwooda ah heerka labaad oo ah dillaac keena waxyeelo raaga, ayaa daraasadan waxay muujisay in farsadan ka badbaadin karto tobankii mid umusha, ayey sheegtay Helena Lindgren, oo ka howl-gasha macadka cilmibaarista Karolinska institutet.

Kun haween ah markii ugu horeysay wax dhalay ayaa daraasadan ka qayb-qaatey. Kalobar haweenkan waxay ku dhaleen farsamada dhalmo ee caadiyan la adeegsado halka kalobarka kale ku ilmo dhaleen farsamada cusub.

Inkastoo natiijada daraasadda weli la daabacin hadana waxaa daraasadan lagu ogaadeyn in shantii mid ama tobankii mid haweenka markey umulayaan farsamadan cusub ka badbaadin karto dhaawacyada qatarta ah ee gudo dillaaca. Waana farsamo wanaagsan oo u baahan in la baahiyo ayey aaminsantahay Helena Lindgren.

– Hadeyn ahaan laheyd tobankii mid ama labaatankii mid qiimo weyn hayey haweeney kasta u leedahay in ay ka badbaado dhaawacyada dillaaca, maadaame dhaawacan uu sababo waxyeelo raaga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".