Svenska kyrkan, logo. Foto: Hasse Holmberg/TT
Svenska kyrkan, logo. Foto: Hasse Holmberg/TT

Kiinasadda Sweden oo malaayin ku beer-dareysa dhoof iyo tamashleyn

Lacag beerdareynta kaniisadda Sweden
1:47 min

Qaar ka mid ah siyaasiinta golaha kasiinadda Sweden iyo shaqalaha ka tirsan kaniisadda Sweden ayaa u dhoofa waddanka diibadiisa, dhoofkas oo ay ku baxdo qarash malaayiin karoon gaaraya, badanaa goobaha ay socdaalka ku aadaana waa deegaano ku caan ah dalxiiska.

Sidaas waxaa muujiyey baritaan ay sameysay idaacaddan wararka ee Ekot.

Tusaale shaqaale ka howl-gala kaniisadda laanteeda Värö-Strålvalla ayaa London u dhoofay sannadkii 2010kii. Waxay daawasho u tageen ciyaar dhexmareysay labo kooxdood oo ka tirsan horyaalka Ingriiska ee Premier League, sababtana waxay ka dhigteen in ay ciyaartas soo daawanayaan si ay wax uga soo bartaan xiriirka ka dhaxeyn kara fotbollka iyo illah bariga lagu qabto kaniisaddaha.

 Sidoo kale sannadkii 2014kii ayey 99 qof ka mid ah shaqaalaha iyo siysaainta kaniisadda Huddinge waxay shan maalmod oo shir ku tageen hoteel ku yaala dalka Malta. Qarashka ku baxayna waxuu noqday 800 000 oo karoon – ujeedada socdalkasna waxuu ahaa sidii loo bauuri lahaa dareen ah wadojir, sida ay tiri guddoomiyaha golaha keniisadda ee Huudinge Barbro Bergstedt.

– Si ayaan ugu qassbaneyn in arrinkan sameyno. Waxaan kaniisaddeena yeelatay wadad cusub. Waxaan socdaal u suurogeliyo in uu dadka oo dhan la kulmo, shaqaalaha oo dhan waxaa u suuro-gashay in ay asaga la kulmaan , ayey tiri.

Laakiin kulanka wadadka halka ayaa lagu qaban karay?

– haa. Laakii markas sidaas ayaa go’aansanay, ayey ku dooday Barbro Bergstedt.

Kaniisadda Sweden ayaa ka tirsan dad ka badan lix milyan oo qof iyadoo maagelinta howlaha kaniisadda laga baxiyo qarash ku jira canshuuraha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".