Xagjiro khatar ku noqon kara xabsiyadda waddanka

Dhalinyarada ka garabdagaalamay ururada argagaxisada ah tusaalahan Daacesh ayaa markii ay Iswiidhan ku soo laabtaan xabsiyadda ku fidin kara fikrado argagaxiso ah.

Heeyada daryeelka maxaabiista, kriminalvården, ayaa arrinkan khatar u aragta.

Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan ay heeyadani u gudbisay dawladda.

Per Westberg ayaa madax ka ah qaybta ammaanka ee ciidamada asluubta ee heeyadan. Westberg ayaa u jeeda in ay 300 ee qof ee Iswiidhan ka tagay si ay ula dagaalamaan ururka Daacesh sababeen arrinkan.

-Marka ay noloshoodi caadiga aheeyd ee Iswiidhan ku soo laabtan, waxaa ay ila tahay in qaar lugu meeleen doono heeyada daryeelka ee maxaabiista, ayuu sheegay. Tan ayaa keentay in ay heeyadani u diyaargaroobayso mushkuladan.

Wuxuu sheegay in ay tiro gaadhsiisan 10 qofi fikradaha argagaxisnimada taageerayaan. Kuwan ayaa xabsi ku jira amba dhowaan geli doona.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".