2:1 oo kooxda qaranka habalaha Jarmalku kaga guuleeysten Sweden

Ciyaartii fiinaalka kubbadda cagta ee hablaha oo bilaabatay.

Marakanaa oo ay ka bilaabatay ciyaartii fiinaalka hablaha ee kubadda cagta oo ey isku hadineyaan qarammada Sweden iyo Jarmalka ayaa ku socota habsami oo kooxda qaranka Sweden uu difaacooda illaa hadda la siman yahay amaba la oran karo iney weerarka iyagu wadaan.

Labadan kooxood ee jarmalka iyo Sweden ayey tahay markii ugu horreeysay oo ey fiinaal u soo istaagaan.

Kooxda qaranka kubbadda cagta hablaha Sweden ayaanay illaa hadda u suurtagelin iney ka guuleeystaan kooxda dhiggooda ee jarmalka.