Ulf Kristersson, Afa-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga, (M) Iyo hoggaamiyaha xisbiga Anna Kinberg Batra.
Ulf Kristersson, Afa-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga, (M) Iyo hoggaamiyaha xisbiga Anna Kinberg Batra. sawir: Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Xisbiga M oo doonaya inuu xadido taageerada dhaqaalaha waalidka

Maamulka hoggaanka xisbiga Moderaterna oo maanta shir-jaraa’id isugu yeerey suxufiyiinta ayaa soo jeediyay fikir la xiriira sidii loo hor-joog-san lahaa dhaqaalaha taageerada ee la siiyo waalidiinta fasaxa u qaata ilmahooda sidii eyugu xanaaneyn lahaayeen.

 

Waana fikir uu xisbigu soo jeediyay lana xiriira qorshihiisa miisaaniyeed ee foodda innagu soo haya. Iyadoona sida uu hoggaanka xisbiga M, sheegay looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa rabitaanka ama suurtagallada lagu shaqo raadsan karo, qaasatan kolka laga hadleyo ajaaniibta.

Isha/ Ekot.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".