Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ku soo wajahan Sweden

Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa maanta ku soo wajahan dalkan Sweden.  

Joe Biden ayaa maanta oo ah arbaco ku sugan dalka Turkiga halkas oo uu kula kulmayo madaxda waddankas. Booqashada uu hadda ku joogo Turkiga markey soo dhamaato waxaa la filayaa in gelinta dambe ee maanta uu madaxweyne ku xigeenku u soo duulo dalka Sweden iyo magaalo madaxdiisa Stockholm.

Biden ayaa waddamada laysku yiraahdo Scandinavia ka booqanaya Sweden keliya, ra'iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaana qaabili doona.

Booqashada Madaxdweyne ku xigeenka Mareykanka waxay ku soo kordhin doonta magaalada Stockholm wadooyin badan oo xiran iyo weliba hawada magaalada oo ka xayiran duulimaadka dayuuradaha.

Joe Biden Stockholm waxuu ku sugnaan doonaa illaa iyo berrito oo ah khamiis. 

 



Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista