Minister for Finance Magdalena Andersson presenting the budget forecast at Harpsund. Photo: Maja Suslin/TT
Minister for Finance Magdalena Andersson presenting the budget forecast at Harpsund. Photo: Maja Suslin/TT

Dowladda oo hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha

Xukumadda ayaa hoos u dhigtay saadaasheeda kobaca dhaqaale sannadkan.

Dowladda waxay saadaalineysaa in kobaca dhaqalaha uu ahaanayo boqolkii 3,5, sida ay werineyso wakaaladda wararka TT. 

Laakiin sannadyada 2017-2018 ayey dowladda saadaalineysaa in dhaqaalaha waddan uu kor u kaci doon si ka wanaagsan kobacii dhaqaale ee sannadkan. 

Wasiirka dhaqaalaha Magdalena Andersson ayaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha Sweden uu xowli ku socdo.

- Kobaca dhaqaalaha Sweden waxuu u dhigmi doonaa kan dalka Mareykanka. Dhaqaalaha Sweden na waa mid xoog leh marka loo barbardhigo waddamo badan, ayey tiri Andersson.

Waxay intaa ku dartay shaqo abuurka Sweden xoogeystay, adeeegyada ay dadka sameeyaan uu xasiloon yahay, guryo dhisidduna ay kor u kacday, sida ay sheegtay Magdalena Andersson wasiirka dhaqaalaha.

Markey timaado tirada shaqo la'aanta ku sugan waxay mareysaa boqolki 6,8 sannadka iyadoo sannadka ku xiga la saadaalinayo in ay noqoneyso 6,3 boqolkiiba.

Taa waxay ka micno tahay in dowladda ay seegeyso ballanqaadkeeda ah Sweden in ay ahaato waddanka ugu shaqo la'aanta yar sannadka 2020. 

Relaterat

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".