Joe Biden iyo Stefan Löfven oo maanta kulmaya

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa maanta aqalka madaxtooyada Rosenbad marti ku ah oo la kulmaya ra'iisalwasaare Stefan Löfven.

Waxyaabaha labada hoggaamiye ka wado-xaajood doonaan waxaa ka mid ah arrimaha qaxootiga iyo arrimaha amniga. 

Joe Biden xalay ayuu soo cago-dhigay gegida dayuuradaha Arlanda halkas oo ay ku soo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström.

Maamulka Stockholm stad ayaa ka digey jahowareer dhanka wadooyinka ah ay keeni karto booqashada maanta ku eg ee uu madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ku joogo Stcokholm. Waddooyin badan ayaa booqashada darteed loo xiray, basas qaarkoodna qadka waa laga saaray, sidoo kale hawada magaalada waxaa laga xanimay duulimaadyada. 


Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista