Kinberg Batra oo diidey wadashaqeyn M la yeesho SD

1:19 min

Hogaamiyaha xisbiga Modaraat-ka Anna Kinberg Batra ayaa caddeysey in xisbigeedu  uusan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin xisbiga Sverigedemoquraadi-ga, waxayna arrinkaas ku caddeysey barnaamij ka baxa talefishinka dalkaan Iswiidhan kaas oo lagu magacaabo Agenda.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoqoraadiga Jimmie Åkesson ayaa khudbad uu dhawaantaan jeediyey soo xigtey fikrado dadka laga soo uruuriyey kuwaas oo muujinaya in haddii maanta cod doorasho dalkaan Iswiidhan laga qaadi lahaa ay xisbiyada Modaraad-ka iyo Sverigedemoqoraat-ku aqlabiyad ku heli lahaayeen.

Henrik Ekengren Oscarsson oo ah macallin cilmiga siyaasadda dhiga ayaa sheegey in xisbiga Moodaraad-ku dhawaanahaan la mawqif noqdey xisbiga Sverigedemoqoraati-ga marka ay timaado arrimaha la xiriira dhanka arrimaha bulshada iyo dhaqanka.

Dhinaca kalana hogaamiyaha xisbiga Modaraat-ka Anna Kinberg Batra ayaa waxay qeexdey waxyaalaha ay isku diidan yihiin xisbiga Sverigedemoqoraati-ga ,waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

  • Hawlaha ugu waaweyn oo dalkaan Iswiidhan u yaala waxaa ka mid ah arrimaha isdhexgalka laakiin xisbiga Sverigedemoqoraati-gu waa ka soo horjeedaa in dalkaan ay shaqooyin ka helaan dadka soogalootiga ahi. Xisbigayagu wuxuu rabaa in uu wadashaqeyn la yeesho dalalka kale, sidoo kale waxay xisbiga Sverigedemoqoraat-ku  diidan yihiin gaashaanbuurta Nato iyo in wada shaqeyn lala yeesho ururka midowga yurub, ayey tiri hogaamiyaha xisbiga Modaraat-ka Anna Kinberg Batra.