Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqadii qaranka oo lagu talo jiro in loo soo nooleeyo – gabdhaha qudhooda

La daabacay torsdag 1 september 2016 kl 12.02
Dib u soo nooleyn lagu sameeyo shaqadii qaranka
(4:14 min)
Askarta shaqada qaranka.
Askarta shaqada qaranka. sawir: Sawirle: Fredrik Sandberg/TT

Baaraha dawladda ayaa la fileyaa inay soo jeediyo in dib loo soo nooleeyo shaqadii qaranka ee dhallin-yaradu mari jireen kolka ey dugsiyada sare ka baxaan, middaasina oo macnaheedu tahay in hablaha laftooda lagu khasbi doono iney qeyb ka noqdaan.

Hase yeeshee ma noqon doonto fal ey dhammaan ardeydu qayb ka wada noqdaan.

– Hablaha iyo wiilasha ayaa u siman middan. Iyadoona loo dhaqmi doono si isku mid ah, xuquuq isku mid ah, waajibaad isku mid ah kolka laga hadleyo howlaha difaaca, sida ay sheegtay baaraha dawladda Annika Nordgren Christenssen oo qorshahaa ka hadleeysay.

Howlaha shaqada qaranka ayaa la joojiyey wixii ka dambeey sannadkii 2010, hase yeeshee lagu talo jiraa in dib loo soo nooleeyo, waa haddii la dhageeysto baaraha dawladda fikirkeeda.

– Wasaaradda difaaca ayaan u wada baahan doonin dhammaan tirada ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare oo sannadkii boqol kun kor u dhaafaya. Sidaadaraadeed la kalla dooran doono ardeyda, sidii ey horeyba u ahaan jirtay. Sababaha lagu kala dooran doonana ey ka mid yihiin rabitaan iyo doonis in howshan laga soo baxo, sida ay sheegtay iyada oo hadalkeedii sii wadata.

Fikirkan ayaa kaga duwan hab-socodkii howlaha shaqada qaranka ee hore in marka hore ey 17-jirradu sida fikirka ku cad buuxiyaan foom ey kaga jawaabeyaan waxyaabo ey ka mid yihiin xaaladda oogada iyo maskixiyanba. Foomka ayey sidoo kale uga hadli doonaan iney xiiseeyneyaan iney ka qeyb qaataan shaqada qaranka. Markaa kadib ayaa loogu yeeri doonaa tijaabooyin dheeri ah.

– Qayb aad u ballaaran ayey noqon doontaa rabitaanka iyo daneeyntu, sida ay sheegtay Annika Nordgren Christenssen.

Mana jiri doono tiro la buuxineyo ee cidda ugu habboon ayaa la qaadan doonaa.

– Awoodda oogada un maaha midda lagu kala saari doono. Dabcan wey jiraan howlo quwad u baahan, halka howlaha qaarkoodna loo heli doono cid kale ee aan aheyn oo keliya in shakhsiga uu dhererkiisu yahay 190 cm, culeeyskiisuna 110 kiilo oo muruqyo ah, sida ay sheegtay Annika Nordgren Christenssen.

Ella Vinell, Linus Kask iyo Signe Nordegren oo dhigta dugsiga sare ayaa ka heley fikirkan cusub.

– Waa fikir wanaag-san in hablaha iyo wiilashuba ey qeyb ka noqdaan. Hase yeeshee u maleeyn maayo inaan rabi lahaan qayb inaan   ka noqdo, maadaama aanan xiise u hayn, sida ay sheegtay Ella Vinell.

– Waa fikir wanaag-san, hase yeeshee waa in sidoo kale sida shaqaalaha deb-demiska quwadda oogada kor un uu ahaado, aananna loo dejin shuruuddaa oo keliya si habluhu qeyb uga noqdaan, sida ay sheegtay Linus Kask.

– Waxaa jira hablo badan oo ka quwad badan wiilasha, sida ay sheegtay Signe Nordegren.

Ma jeclaan lahayd inaad qeyb ka noqoto?

– May, maahan wax aan xiiseeynayo, sida ay sheegtay hon.

Sababtana?

– Maadaama aanan muruqyana lahayn xiisana aanan u hayn, sida ay sheegtay Signe Nordegren.

Isha/ Ekot.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".