Sharci darro.
Kun qof oo loo soo tuurayo warqad ganaax ah. sawir: Damian Dovarganes

Ganaax u imanaya dadka sharci darroda filimada ku soo koobigareeysta

Raadrac lugu sameeyay dadkan
0:47 min

Sbuucyada soo socda ayaa tiro gaadhaysa kun qof loo soo tuuraya warqado sheegaya in ganaax 2000 oo koroon laga rabo. Sababta ayaa ah in ay si sharci darro ah u koobigareeyeen filimada iyo barnaamiyada laga daawado internetka.

Waa shirkada deymaha ururisa ee magaceedu yahay Gothia Inkasso oo baadhitaan ku sameeysay 150 ka mid ah filimada iyo barnaamijada internetka laga daawado. Shirkadan ayaa raadraac ku sameeysay dadka barnaamijyadan internetka ka soo koobigareeystay ee aan lacagta bixin.

Shirkadan ayaa dhowaan bilaabaysa olole ku saabsan in sharcigu ogoleeyn in barnaamijyadan laga soo koobigareeysto internetka iyada oo aan lacag bixin. Waa sida u telefishinka la iska daawado ee SVT bogeeda ku soo qoreen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".