Lars Lejonborg.
Lars Lejonborg. sawir: Sawirle: SÖREN ANDERSSON / TT

Lejonborg: Howlo badan ayaa horyaal KI

"Waan faraxsanahay in la kashifay"
0:49 min

Hogaanka machadka Karolinska, Lars Leijonborg, ayaa dhowaan qabtay shir jaraa'id halku ka jawaabay dhaleecayntii uu baadhe Sten Heckschner saaka u gudbiyay oo xidhiidh la leh si ay jaamacaddani u xallisay fadeexadii dhakhtarka Paolo Macchiarini.

Leijonborg ayaa sheegay in u ku faraxsanyahay in la kashifay Paolo Macchiarini islamarkaas na amaanay wariye Bosse Linquist oo ka hawlgala telefishinka la iska daawado ee SVT oo ah shakhsigii ka dambeeyay kashifaadan.

-Hadii aanu weriyahani qaban shaqadan, maanta lama ogaan laheen beenta Paolo Macchiarini,ayuu sheegay Leijonborg.

Karin Dahlman-Wright oo ah maamule ku xigeenka jaamacaddan ayaa iyaduna sheegtay in ay hadda ka shiraayaan si arrinkan looga hor tagi lahaa mustaqbalka si aaney mar labaad u dhacin.

-Paolo Macchiarini runtii wuxuu ku ciyaaray sumcada jaamacadeena, ayey sheegtay Karin Dahlman-Wright.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".