Ciyaartooyda Sweden uga qayb-galeeysa tartanka  Paralympic ee dalka Baraasiil.
Ciyaartooyda Sweden uga qayb-galeeysa tartanka Paralympic ee dalka Baraasiil. sawir: Sawirle: Björn Larsson Rosvall/TT

Tartanka olompikada ee dadyoowga iimaha leh oo maanta bilaaban doona

Tartankii Paralympic oo furmay
3:48 min

Tuulada ciyaaraha paralympic ee magaalaada Rio ee dalka Baraasiil oo lagu soo dhoweeyey ciyaartooyda Sweden uga qayb qaadaneysa tartan Olompikada ee lagu magacaabo paralympic.

Tartanka paralympic oo maanta xariga laga jari doono ayaa kaalinta saddexaad kaga jira qabanqaabada tartammada ugu waaweyn ee caalamka laga abaabulo, marka laga reebo tartanka kubbadda cagta ee adduunka iyo tartanka ciyaaraha olompikada, iyadoona ay 4 350 ciyaartooy u tartami doonaan billado gaarsii-san 528.

Xulka ciyaartooyda Sweden ayaa ka kooban 58 ciyaartooy oo ku talo jira sidii ey bilado ka badan tartankii midkan ka horreeyay oo ka dhacay magaalada London, halkaasina oo ey ciyaartooyda Sweden ku soo hoyeen 12 billadood oo isugu jira 4 dahab ah, 4 qalin ah iyo 4 maar ah.

17-jirka Fia Fjelddahl ayaa ah ciyaartooyda ugu da’da yar ee xulka Sweden, dhowaanna caga-dhigatay magaalada Rio.

– Aad ayay hawadu u kulushahay, laakiin weli ma bilaabin inaan tartanka ka welwelo. Welwel ayaa i hayay kolkii aan walaalkayga iga yar guriga iskugu soo macsalaameeyneyney, inkastoa an xasilooni dareemayay intii aan diyaaradda soo saarnaa, sida ay sheegtay mar ay u warrameeysay laanta ciyaaraha ee idaacadda.

Isha/ Radiosporten.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".