Mikael Damberg
Wasiirka ganacsiga Mikael Damberg (S) Foto: Marcus Ericsson/TT

Xukumadda oo sharci ka dhigeysa in haweenka qayb ku yeeshaan maamulka shirkadaha

Xukumadda ayaa dooneysa in ay dhawaan sharci ka dhigta in haweenka ay qayb u gooni ah ku yeeshaan maamulka shirkadaha ka diiwaan-gashay suuqa maagelinta shirkadaha ee Sweden loo yaqaan Börsen. 

Sharcigan ayey dowladda qorsheyneysaa in ay hirgeliso laga bilaabo sannadka 2019. Hadii markas boqolkii 40 maamulka shirkadda aysan aheyn haween shirkadda markas waxay wajaheysaa ganaax.

- Macquul ma ahan warkeeda arrintan in la wadwado sannad kasta oo aanan laga keenin wax natiijo ah, ayuu yeri wasiirka ganacsiga Mikael Damberg (S).

Shirkadaha aan u hoggaansamin sharcigan markuu hirgalo waxaa lagu ganaaxi doonaa qarash gaaraya 250 000 illaa iyo shan milyan oo karoon.

Sharcigan marka uu hirgalo waxuu taaban doonaa shirkado kor u dhaafaya 280 shirkadood oo ka diiwan-gashan suuqa maalgelinta shirkadaha Börsen. 50 ka mid ah shirkadahan waxaa mulki u leh dowladda. 


Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".