Anna Ekström, wasiirada cusub ee waxbarasha dugsiyada sare iyo aqoonta asaasiga.
Anna Ekström, wasiirada cusub ee waxbarasha dugsiyada sare iyo aqoonta asaasiga. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Anna Ekström oo lugu wareejiyay shaqadii Hadzialic

Anna Ekström ayaa noqonaysa wasiirada waxbarashada iyo dugsiyada sare. Sidaas ayuu dhowaan sheegay ra´iisal wasaare Stefan Löfven isaga oo hadal ka soo jeediyay sannad howleedka baarlamanka 2016-2017 oo hadda la waddo.

Tan ayaa ka dhigan in Ekström lugu wareejiyay hawshii ay Aida Hadzialic iska casishay bishi hore ka dib marku boolisku ku qabtay xuduudka Iswiidhan iyo Denmark u dhaxeeya iyada oo sakhraansan islamarkaas na gaadhi wadday. 

Anna Ekström ayaa hadda agaasime guud ka ah heeyada iskuulka ee Skolverket loo yaqaano.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".