Ann Linde EU-minister lördagsintervjun
Ann Linde (S), wasiirka arrimaha EU-da iyo ganacsiga. sawir: My Rohwedder

Wasiiradda yurub oo ka hortimid xarun ciidamada yurub yeeshaan

Wasiiradda yurub oo ka hortimid xarun ciidamada yurub yeeshaan
0:44 min

Gudoomiyaha  komishinka ururka midowga yurub Jean-Claude Junker ayaa fikrado iyo talooyin kala duwan wuxuu ka soo jeediyey baarlamaanka midowga yurub hortiisa.

Fikradaha gudoomiyuhu soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ah in yurub dhisato xarun guud oo ciidamadooda laga xukumo iyo in xuduudaha midowga yurub lagu soo rogo habab cusub oo lagu sii adkeynayo koontaroolkooda.

Wasiirka dalkaan Iswiidhan u qaabilsan midowga yurub Ann Linde Tycker ayaa sheegtey in guud ahaan hadalka gudoomiyuhu ahaa mid fiican laakiin waxay intaas ku dartey in dalkaan Iswiidhan uu si cad u diidan yahay taageeridda fikirka ku saabsan in yurub yeelato xarun guud oo ciidamadooda looga taliyo, waxayna wasiiraddu intaas ku dartey in Iswiidhan aysan arrinkaas diyaar u aheyn.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".