Macallimad ardey dhigata dugsiga hoose xisaab u dhigaysa.
Macallimad ardey dhigata dugsiga hoose xisaab u dhigaysa. sawir: Sawirle: JESSICA GOW / TT

Macalimiinta dalkaan oo mushaaradoodu aysan siyaadin

Macalimiinta dalkaan Iswiidhan ayaa badankoodu duqoobay , mushaaradoodana aysan wax sidaas ahi ku kordhin sida lagu muujiyey warbixin cusub oo uu soo saarey ururka ay ku midoobeen wadamada adduunka ugu dhaqaalaha badan kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano OECD.

Warbixintaan ayaa muujisey in boqolkiiba 6 oo kaliya macalimiinta dalkaan Iswiidhan wax ka dhigaa ay ka yar yihiin da’da 30 sano meesha toban sano ka hor ay tiradaasi aheyd boqolkiiba toban.

Ururkaan OECD ayaa sidoo kale warbixintiisa ku muujiyey in mushaarada macalimiinta dalkaan Iswiidhan  qaataan ay ka badan tahay wadamada dhigooda ah oo isla ururkaan ku jira balse sidaas oo tahay aan mushaaradooda wax sidaas ahi ku siyaadin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".