Hans Wallmark, Annie Lööf
Hans Wallmark, försvarspolitisk talesperson för Moderaterna och Annie Lööf, C-ledare. Foto: Bertil Ericson/Claudio Bresciani

Xisbiga Moderaterna oo Jimmie Åkesson ka dalbatay wax ka qabad

Hans Wallmark:Jimmie Åkesson wax ha ka qabto arrintan
1:00 min

Moderaterna ayaa ka dalbaday in hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson uu wax ka qabta arrinta ah in ruux looga baqo ammaanka uu xarunta xog-haynta baarlamanka ee xisbiga Sverigedemokraterna ka howl-galo, kadib markii saakey ay idaacdda Ekot ee Radio Sweden sidas baahisay.

Ninkan oo isugu yeera Egor Putilov ayey xeel-dheerayaal ammaanka ku taqsusay ku tilmaameen ruuxa qatar gelin kara ammaanka golaha barlamaanka.

– Arrinta ay maanta Ekot baahisay waa mid qatarteeda leh oo aan la dhayalsan karin, masuuliyadda koowaadna waxay saaran tahay xisbiga Sverigedemokraterna. Taas oo micnaheeda tahay in masuuliyadda ay saaran tahay hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson oo tahay in uu sharaxo waxa ka dhex jira xaruntooda xogheynta barlamaanka, ayuu yeri Hans Wallmarka oo ah afhayeenka arrimaha difaaca ee xisbiga Moderaterna.

Dahnka kale hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf ayaa aamin-san in loo baahan yahay in xisbiga Sverigedemokraterna uu ka sal gaaro arrinkan.

– Aaad ayaan uga gilgishay hadduu uu xarunta baarlamanka ka howl-galo shakhsi ey xeel-dheereyaashu ku tilmaameen inuu ammaanka halis ku yahay. Arrinkan waa iney xisbiga Sverigedemokraterna iyo hoggaamiyihiisa Jimmie Åkesson ay masuuliyad iska saaraan oo ka sal-gaaraan arrinkan, sida ay sheegtay Annie Lööf. 

Maxay kula tahay inuu xisbiga Sverigedemokraterna u baahan yahay inuu qabto?

– Xisbi walba waxay masuuliyad ka saaran tahay cidda uu shaqaaleeynayo ee suurtagal u yeesha ku dhex mushaaxa marrinnada baarlamanka. Halka waxaa loo baahan yahay inuu xisbiga Sverigedemokraterna, qaasatan hoggaamiyaha xisbigu masuuliyad iska saaro. Waa in la hubiyo cidda uu yahay iyo cidda ka dambeeysa ninkan, sida ay sheegtay Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet.

Källa/ Ekot.

                                                                    Warsame.elmi@sr.se

                                                                    kanadid.mohamed@sr.se

                                                                      

Relaterat

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".