Delad bild: Skylt på arbetsförmedlingen med texten "Vänta på din tur" och en bild på Riksrevisionen
Foto: Bertil Ericson/TT, Fredrik Sandberg/TT.

Hayadda xafiiska shaqada oo dhaleeceeyn loo soo jeediyey

Sida xaafiska shaqada wax ugu qabto soo-galootiga dalka ku cusub ayaa la dhaleeceeyey. 

Kadib markii hey'adda hanti-dhowraha qaranka ay u kuurgashay xafiiska shaqada (AF) ayey ku dhaleeceysay sida xafiiska shaqada (AF) ay daba-gal iyo qiimeeyn ugu sameeyso howlaha ay hey'addu u qabato ajaaniibta dalka ku cusub iyo sidii dadyowga dalka ku cusub loogu diyaariyo la qabsashada dalk, sidaas waxay ku xusan tahay qoraal ka soo baxay hanti-dhowraha qaranka oo ay heshay laanta wararka ee Ekot.

– Waa muhim in lala socdo dadaaladan aadka loo adeegsado maanta sida ay wax qabad u leeyahiin, maadaame qarashka ku baxo uu cirka isku shareeray, dadka adeegsadana ay yahiin  dad ka fog suuqa shaqada oo u baahan in gacan qabad lagu siiyo si ay ugu soo dhawaadan suuqa shaqada, sidas daraadeed waa muhim in la ogaado wax qabadka ay leeyahiin dadaalada lagu caawinayo dadyowgan, ayey tiri Daneila Lundin oo dabo-galka u qaabilsan hey'adda hanti-dhowrka qaranka.

Relaterat

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".