.
Foto: JONATHAN NACKSTRAND

Saddex caalin oo ku guuleysatay billadda nobel ee kimistariga

Caalin Bernard Feringa oo ka hadlaya farxadiisa abaal-marinta uu ku guuleystey
3:45 min

Saddex caalin oo la kalo yiraahdo Jean-Pierre Sauvage, Sir J. Fraser Stoddart iyo Bernard L. Feringa ayaa nasiib u yeeshay in lagu abaal-marinayo billadda Nobel-ka ee maaddada kimisteriga 2016.

Abaal-marintan ayaa sabab looga dhigay iney culimmadani ku guuleeysteen maadaama ey soo saareen mashiin hor leh ee loo isticmaali karo

saddexdan caalin in ay soo sareen makiinad molekiyuul ah oo la dhaqdhaqaajin karo.

Sannadkii 1983 ayaa la qaadey tillaabadii ugu horeysey ee dhanka makiinadaha aysan isha arki karin ee molekiyull ee qaban kara howl markii koronto lagu xiro. Caalin Jean-Pierre Sauvage ayaa sannadkan ku guuleystey in uu isku xiriiriyo sida faraantiga oo kale labo makiinadood oo molekiyull ah.

Makiinadda molekiyull ayeysan isha adaanahada arki karin, farsadan noocaan ah waxay hoostagtaa cilmiga farsamo ee la yiraahdo nanoteknologi.

Caalin Bernard Feringa ayaa horey u sheegay in uu shoog ku noqotay markii uu arkey in makiinad molekiyull ah oo uu sameeyey in ay shaqeyneyso.

- Markii ugu horeysey ee aan arko in ay shaqeyneyso makiinadii aan sameeyeyn waa maleysan waayeen indhaheygu waxay arkayaan.

 Mar la weydiiyey Feringa waxa loo adeegsan karo makiinadaha molekyull-ka waxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo loo adeegsan karo.

- Weli hadda si cad looma sheegi karo waxa loo adeegsan karo, laakiin mustaqbalka way dhaci kartaa in loo adeegsado in wax lagu xanbaaro jirka gudahiisa, sida wiish oo kale oo wax gaarsiin kara unugyada jirka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".