"Clown"middi gacanta ku haya.
"Clown"middi gacanta ku haya. sawir: Ruud, Vidar

Clown-yo dadweeynaha Iswiidhan baqdin ku dhaliyay

Ygeman"Waa in ay joojiyaan"
1:43 min

Maalmihii ugu dambeeyay ayey dad dharka maadeeyaha wata, af- iswiidhish clown, dhowr qof ku weerareen magaalooyin ka mid ah waddanka.  

Dhacda ugu dambeeysa ayaa ah in xalay shaksi magaalada Varberg middi lugu dhaawacay.

Sido kale ayaa habeenimadii arbacada gabadh wadadda maraysa lugu weeraray xaafada Skällinge ee gobolka Östergötland.

-Gabadh da' yar ayey laba qofi weerareen. Mid ka mid ah labada qof middi ayuu gacanta ku hayay. Sidaas waxaa sheegay Thomas Agnevik oo qeeybta saxaafada u qaabilsan booliska gobolka Östergötland.

In dharka madeeyaha amba clownkaa la gashado dabeetana dadka laga bajiyo ayaa ah wax wakhtii dheer ka jiray wadamadda qaar, hasayeeshe hadda Iswiidhan soo gaadhay.

Dhacdooyinkan ayaa sido kale gaadhay gobolka Jönköping halkey dhowr qof dacwad ah, in ay dibada ku arkeen maadeeye, booliska u gudbiyeen.

-Waxaan hadda aragna in ay dhacdooyinkani gaadheen dhowr magaalo. Waa arrin baqdin iyo welwel ku dhaliyay dadka waddanka ku nool, ayuu sheegay Thomas Agnevik.

Wasiirka arrimaha gudaha, Anders Ygeman, ayaa shalay ka hadlay dhacdooyinkan.

-Waa in ay dadka ka dambeeya dhacdooyinkan, xitaa haddey kaftan ka tahay, joojiyaan weeraradan, ayuu sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".